Tartanka Kaalinta 4-aad Oo Waji Cusub Yeeshay & Tottenham Oo La Wareegtay Kaalinta 4-aad.

0
205

JOWHAR (Radio isnaay) Tartanka kaalinta 4-aad loogu jiro premier League ayaa waji cusub yeeshay kadib markii ay ciyaareen kooxaha waaweyn ee ku tartamada kaalinta 4-aad.

Booska kaalinta 4-ad ayaa ah mid qiimo weyn u leh kooxaha premier League maadama loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa la kulmay guuldarooyin lama filaan ah taas oo ay ka faa’iidaysatay kooxda Tottenham oo garaacday kooxda Aston Villa.

Tottenham ayaa haatan si buuxda ula wareegtay kaalinta 4-aad iyaga oo 3 dhibcood oo cadaan ah ka horeeya kooxda Arsenal halka ay 7 dhibcood ka horeeyaan kooxda Man United.

Dhanka kale chelsea ayaa dhanka kale dib u noolaysaysay rajadeeda kaalinta 3-aad kadib markii ay xasuuqday kooxda Southampton waxana ay sii dheeraysteen kaalinta 3-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here