Klopp Oo Kashifay Qorshihii Kooxdiisa Markii Ay 14 Dhibcood Ka Dambeeyeen Hogaamiyayaasha Man City.

0
142

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Jurgen Klopp ayaa cadaadiska ku sii haysay hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City kadib guul 2/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Watford waxana Klopp wax laga waydiiyay aaminsanaantii kooxda ee ka caawisay in ay soo yareeyaan 14-kii dhibcood ee ay ka dambeeyeen kooxda Man City.

“Ma aanan haysan fursado badan ama wax kale oo aan sameyn karno sababta oo ah waxa aan ka dambaynay Man City 14 dhibcood, taasi waxa ay la macno tahay in aad ku dhibaatoon doonto u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe hadii ayna kooxaha kale 14 dhibcood kaa hoosayn”.

“Taasi waxay ahayd sababta, haddii aadan ku guulaysan karin horyaalka waa in aan u soo baxnaa champions League, taasina waxa ay ahayd sababta aanan uga fikirin wax kale”.

“Wax saameyn ah kuma aanan laheyn taas, ma heysano fursad aan saameyn ugu yeelan karno kulamada Man City, waxa aan arkay kulamada qaar, xitaa hadii aanay badin waxa ay u ciyaareen si cajiib ah sidaas darteed umaanan baahnayn in aan ka fikirno”.

“Waxaan rabnay inaan u soo baxno Champions League iska markaas aan meelo fog ka gaadhno koobabka ama aan ku guulaysano hadii ay suurtagal tahay, waxa intaas ka dambeeyay waxa ay dhacday xilli aan ciyaarnay kubadeena”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here