Maxkamadda sare ee Kenya oo hor istaagtay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalkaas.

0
195

JOWHAR (Radio isnaay)-Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is-hortaagtay hindise isbedel lagu samaynayey dastuurka oo uu horkacayey madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyada oo lix ka mida toddobada garsoore ee maxkamadda sare ay diideen in isbeddello lagu samaynayo dastuurka dalkaasi aaney aheyn inay ka yimaadaan madaxweyne, laakiin ay ka yimaadaan shacabka.

Kadib doorashadii sida weyn loogu tartamay ee kala qaybisay dalkaas ee sannadkii 2017, Madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa soo bandhigay, qorshe ay ugu magacdareen “Hindisaha isu-keenidda bulshada”, kaas oo ay ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin in la hirgeliyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo joogto ah iyo 70 deegaan doorasho.

Labada hoggaamiye ayaa sheegay in xal siyaasadeed oo la abuuro ay qayb ka noqon karayso in xal loo helo rabshadaha aafeeyey doorashooyinka dalka Kenya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Martha Koome oo akhrisay qaraarka maxkamadda ayaa sheegtay inaan madaxweynuhu awood u lahayn inuu bilaabo hindisaha wax ka bedelka dastuurka, ayna maxkamaddu laashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here