Gargaarkii ugu Horreeyey oo Gaadhay Gobolka Gobolka Tigreyga

0
195

JOWHAR  (Radio isnaay)-Kolonyadii ugu horraysay ee gargaar ah oo ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa gaadhay Gobolka Tigreega

Hayadda Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ee WFP ayaa barteeda Twitterka ku baahisay, in kolonyada gargaarka u sidda dhulka Tigreegu, ay gaadhay deegaanada Canfarta maalinimadii Jimcaha, iyaga haatan u jihaystay dhinaca deegaanka Tigreega.

Kolonyadan ayaa sidda gargaar bini’aadanimo oo gaadhaya illaa 500 oo metric ton oo isugu jira cunto iyo kaalmooyin kala geddisan oo loogu talo galay in lagu samatabixiyo dadka saboolka ah ee qarka u saaran macaluusha.

Ururada u dhaqdhaqaaqa Xorriyaadka iyo hay’adaha samafalka ayaa ka digayey masiibooyin bini’aadanimo oo ka dhaca gobolka Tigrayga, ka dib markii bishii December ee la soo dhaafay, la hakiyey gargaarka bini’aadanimo ee gobolkaas gaadhaya,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here