Erik ten Hag Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

0
198

JOWHAR (Radio isnaay) Erik ten Hag ayaa Man United ku tilmaamay koox weyn xilli si weyn loola xidhiidhinayo in uu noqon doono tababaraha xiga ee Man United.

Man United ayaa haatan ku jirta dadaalada ay ku doonayso in ay ku magacawdo tababare cusub kaas oo shaqada ka badala Ralf Ragnick dhamaadka xilli ciyaareedkan.

United ayaa wadahadalo la qaadatay Tababare Ralf Ragnick bishii hore waxana loo arkaa tababaraha ugu cad-cad in uu shaqada ka badalo Ragnick.

Haatan waxa uu ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda Man United isaga oo u sheegay Sport1″Haatan diirada waxa aan saarayaa Ajax, laakiin kubada cagta ma garan kartid waxa dhici doona”.

“Ma doonayo in aan waxba meesha ka saaro, haatan waxa aan shaqaale ka ah Ajax”.

“Man United waa koox weyn kuwaas oo leh taageerayaal weyn laakiin haatan waxa aan ahay Tababare Ajax ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here