Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo hanti malaayiin doolar ah ku gubatay.

0
571

JOWHAR (Radio isnaay) Ku dhawaad 7 Saacadood oo uu socday Dab Xoogan oo Ka kacay Suuqa Ugu Weyn magaalada Hargeisa kaas oo geystay Khasaare Hantiyeed oo Badan ayaa ugu dambayn lagu guuleystay in la damiyo.

Ciidamada Dab demiska oo garab ka helayay Bulshada ayaa la tacaalay dabkaasi.

Duqa Caasimadda Hargeisa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay illaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan.

Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen  ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.

Dabkaan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu weyn sanadyadii lasoo dhaafay oo ka kaca magaalada Hargeysa.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa goobta booqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here