Sergio Busquets Oo Xaqiijiyay Saxiix Ay Kooxdiisu Dhamaystirtay.

0
195

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay la soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie.

Kessie ayuu heshiiskiisa kooxda Ac Milan dhici doonaa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ku biiri doonaa kooxda Barcelona isaga oo qaab xor ah ugu biiri doona.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Ivory Coast oo Ac Milan kaga soo biiray Atalan sanadkii 2019 ayaa lagu qiimeeyaa inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe.

Barcelona ayaan wali si Rasmi ah ugu dhawaaqin saxiixa xiddiga laakiin kabtanka kooxda ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu la soo saxiixatay xiddiga khadaka dhexe.

“Waa inuu ku habboonaadaa tababaraha, kaasoo hubaashii arkay isaga oo la soo wareegay, waxa aan ku faraxsanahay in aan haysano koox adag isla markaas xiddigaha kale doonayaan in ay yimaadaan si ay ugu ciyaaraan”.

“Kessie Waxa aan horay u arkay isaga oo ciyaaraya, waa xiddig xoogan kubadana marar badan ma lumiyo, waxa aan hubaa in uu na caawin doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here