Mohamed Salah & Sadio Mane Oo Soomi Doona Kulamada Xasaasiga Ah Ee Liverpool.

0
182

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda Liverpool kadib markii ay ka soo laabteen is reeb-reebka koobka adduunka ka hor bilaabashada Ramadaan.

Sadio Mane ayaa xulkiisa Senegal ku hogaamiyay Koobka adduunka kadib markii uu xulka Senegal rikoodhayaal kaga badiyeen xulka Mohamed Salah ee Masar.

Xiddigaha Salah iyo Mane ayaa sabtida ciyaari doona kulanka Watford iyaga oo sooman xilli ay sidoo kale soomi doonaan bisha Ramadaan oo ah bil muhiim u ah kooxda Liverpool dhinaca kulamada.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay labada xiddig ee muslim-ka ah u sheegeen kooxdooda in ay soomi doonaan bisha Ramadaan xitaa hadii ay 90 daqiiqo ciyaari doonaan kulan kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here