Masjid caan ah oo salaadda taraawiixda dib u billaabaya 88 sano ka dib.

0
207

JOWHAR  (Radio isnaay)-Salaadda Taraawiixda ayaa dib looga bilaabaya masaajidka Hagia Sophia ee Istanbul markii ugu horeysay muddo 88 sano ah, sida uu shaaciyay guddiga sare ee diimaha ee dalkaasi.

“Ilaah ayaa mahad iska leh, markii ugu horeysay muddo 88 sano ah, masaajidku… wuxuu mu’miniinta ku soo dhaweynayaa salaada taraawiixda bishan Ramadaan,” ayuu yiri Cali Erbas oo ah madaxa Diyanet, oo ah hay’adda dadweynaha ee u xilsaaran kormeerka cibaadada diinta.

In kasta oo dhismihan caanka ah, oo horey madxaf ahaan loo isticmaali jiray, ayaa  masaajid laga dhigay sannadkii 2020, balse cudurka faafa ee Coronavirus ayaa sababay in taraawiixda aan lagu tukan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here