Cali Guudlaawe oo la kulmay Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha

0
228

JOWHAR(Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne kula kulmay Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Wasiir Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo howlwadeena Xafiiska Madaxweynaha waxaana guddiga ay ka warbixiyeen u jeedka ay u yimaadeen Magaalada Beledweyne oo ahaa xaqiijinta Soohdinta ay wadaagaan maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada qaran ee gudiga waxa uuna faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here