Ra’iisul wasaaraha Israaiil oo laga helay Cudurka COVID-19.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul wasaaraha dalka Israaiil Naftali Bennet ayaa laga helay cudurka karoona feyris kadib marii baaritaan caafimaad lagu sameeyay.

“ Hadda waa wanaagsanahay xaaladeydu waa degan tahay waxaan ka soo shaqeyn doonaa guriga.”ayu u yiri ra’iisul wasaaraha israaiil .

Ra’iisul wasaaraha Israaiil ayaa maalin ka hor inta aan laga helin COVID-19 la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken.

Madaxda adduunka oo inta badan uu haleelay cudurkan karoona feyris ayaa marka laga helo ka soo shaqeeya guryaha si ay uga taxadiran inuu cudurkan sii faafo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here