Arsenal, Man United Mise Tottenham? Stan Collymore Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Dhamaysan Doonta Kaalinta 4-aad.

0
136

JOWHAR (Radio isnaay) Stan Collymore is convinced Manchester United or Tottenham will pip Arsenal to fourth spot.

Iyadoo Manchester City, Liverpool iyo Chelsea u badantahay in ay ku dhamaystaan 3-da boos ee ugu sareeya premier League dareenka ayaa u jeeda booska 4-aad ee loogu soo boxo champions league.

Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo leh 54 dhibcood laakiin waxa ay 3 dhibcood ka horeeyaan Tottenham halka ay 4 dhibcood ka horeeya kooxda Man United.

Weeraryahankii hore ee Liverpool Collymore ayaa dareensan in ay Arsenal ku fashilmi doonto in ay ku soo baxdo kaalinta 4-aad xilli ciyaareedkan.

“Haatan waa wakhtigii la ogaan lahaa waxa ay Arsenal tahay iyo Mikel Arteta in uu muujin karo tayadiisa tababaranimo”.

“Iyaga ayaa haatan ugu cad-cad iyada oo xiddigaha da’yarka ah ee Arsenal ku jiraan qaab ciyaareed fiican’.

“Laakiin waxa ay ku dhibaatoodaan kulamada waaweyn lamana arkin qaab ciyaareedkooda fiican kulamada waaweyn”.

“Wali waxa u dhiman kulamo waaweyn iyaga oo la ciyaari doona Tottenham, chelsea iyo Man United”.

“Sidaas darteed aniga ahaan waxa aan u saadaalinyaaa Man United ama Tottenham kaalinta 4-aad”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here