Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan oo loo qaadayo codka kalsoonida

0
177

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa wajahaya olole xooggan oo ka dhan ah xukuumaddiisa, kaas oo xisbiyada mucaaradka iyo xubno ka tirsan xisbigiisa ay qorsheynayaan inay u qaadaan codka kalsoonida.

Mucaaradka ayaa ku andacoonaya in ay heystaan codad ku filan oo ay ku afgambiyaan xukuumadda Khan, iyagoo u maraya codka kalsoonida, waxaana in ka badan 12 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf ay si rasmi ah u taageerayaan mooshinka ay horkacayaan mucaaradka, iyaga oo sabab uga dhigaya inay xukuumaddu ku guul-darraysatay maaraynta sicir-bararka iyo inaysan si sax ah loo maamulin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here