Ousmane Dembele Oo Heshiis La Gaartay kooxdiisa Cusub.

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu si xor ah ugu biiro kooxda Paris Saint-Germain xagaaga.

Xiddiga reer France ayaa galay bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Barcelona waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Dembele ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 9 gool 12 kalena caawiye ka noqday La Liga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa sheegtay in uuna xiddiga reer France kooxda u saxiixi doonin heshiis cusub wargayska AS ayaana sheegaya in uu xiddigii hore ee Borussia Dortmund heshiis la gaadhay kooxda PSG.

Dembele ayaa kooxda Barcelona u ciyaaray 139 kulan tan ilaa markii uu yimid kooxda sanadkii 2017 waxana uu dhaliyay 32 gool kalka uu caawiye ka noqday 30 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here