Xaaska hoggaamiye Muslim ah oo loo heysto inay sixir miciin bidday

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Eedeymo sixir, xatooyo iyo musuqmaasuq ah ayaa hareeyay Pakistan iyadoo dalkaasi uu wajahayo xilli adag oo lagu wado in codka kalsooni darrada loo qaado Ra’iisul Wasaare Imran Khan.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa saddexaad, Bushra Bibi, ayaa lagu eedeeyay Inay isku dayeyso inay badbaadiso dowladda Imran iyadoo adeegsaneysa sixir.

Baarlamaanka Pakistan ayaa maanta yeeshay kalfadhi muhiim ah, iyadoo qaraar codka kalsooni darrada loogu qaadayo Ra’iisul Wasaare Imran Khan la soo saari doono.

Shahbaz Sharif, Hoggaamiyaha Mucaaradka Pakistan isla markaana ka mid ah dadka ugu cadcad ee raysal wasaarenimada u tartamaya, ayaa sheegay in hilib aad u badan oo sixir ahaan loo adeegsanayay lagu gubay guriga Imran Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here