Tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 oo mar kale sare u kacday

0
327

JOWHAR (Radio isnaay)-Xafiiska Tiro-koobka Qaranka Britain ayaa xaqiijiyey in xanuunka Covid-19 toddobaad guddihii kor u kacay hal milyan.

Baaritaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in 16-kii qof, mid ka mid ah uu qabo  xanuunkaas gudaha  England.

Dowladda UK ayaa sheegtay in faraca cudurka karoona feyris ee Omicron ee BA.2 uu si xowli ah u faafayo.

Britain ayaa dhawaan qaaday qaar ka mid ah xayiradihii lagu xakameynayay cudurka karoona feyris gaar ahaan afka xirka ama Face maska oo dowladda ay sheegtay inaysan qasab aheyn in dadka ay xirtan afka marka ay joogan goobaha dadka iskugu yimadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here