Shirkad ku talaa dalka Sucuudiga oo ka hartay Tartankii loogu jiray iibsashada kooxda Chelsea.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Sucuudiga laga leeeyayay ee magaceeda loo soo gaabiyo SMG ayaan ku soo bixin liiska kama dambaysta ah ee shirkadaha u tartamaya in au iibsadaan naadiga kubadda cagta ee Chelsea.

Shirkaddan oo uu metalayey taageeraha Chelsea ee la yidhaa Mohamed Al Khereiji, ayaa ka mid ahayd lix qolo oo sheegay inay gudbiyeen dalab ay ku doonayaan in ay ku iibsadaan kooxdaa ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Ilaha ku dhow SMG ayaa sheegay in rabitaankeeda ah inay baadhitaankii iska hubsashada qaabka ay u iibsan karto kooxdaas uu noqday cago jiid wakhtigii loo baahynaa in ay codsiga gudbiso dib uga riday.

SMG waxa ay kooxda ku baayacday in ka badan laba bilyan oo Giniga Sterling-ka ah iyo in ka badan 200 milyan oo Gini oo qarashaadka hawleed ee kooxdu ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here