Xoghayihii Ugu Horreeyay Ee Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka oo Geeriyootay.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka, sida qoyskeeda ay Arbacadii shaaciyeen, waxayna aheyd 84-jir.

Madaxweyne Bill Clinton ayaa Albright u doortay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka sannadkii 1996-kii, waxayna xilkaas ku soo shaqeysay afartii sano ee ugu dambeysay ee maamulkii Clinton. Waxay hore u ahayd safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here