Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb geleysa dalka Lubnaan

0
169

JOWHAR (Radio isnaay) Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan, ayaa dalka Lubnaan ee caasimadiisa Beyruud uga qeybgalaya shirka Madasha Carabta ee ‘Himillooyinka Horumarka waara (SDG), ka soo kabashada iyo u adkeysiga dhibaatoyinka’ kaas oo loo qabto dowladdaha Carabta.

Shirka waxaa lagu falanqeynayaa aragtida la xariirta horumarka iyo natiijooyinka laga gaaray hirgelinta ajendaha 2030-ka.

Dowladda Somaaliya ayaa madasha ku soo bandhigi doonta faa’iidooyinka barnaamijka muddada fog ee isku xirka nabadda, bini’aadanimada iyo horrumarinta arrimaha bulshada.

Sidoo kale, hirgelinta himillooyinka horumarka waara (SDGS) halka dalkeenna uu ka joogo ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ku soo bandhigto shirkaas.

Ugu dambayntii, shirka waxaa looga faaloonayaa, saameynta caabuqa Coronavirus uu u gaystay dhaqaalaha dalalka Carabta. wuxuuna shirkaani socon doonaa mudo 3 cisha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here