Aubameyang Oo Afar Rikoor Ku Sameeyay Xasuuqii Barcelona Ee Real Madrid ,

0
316

JOWHAR (Radio isnaay) Barcelona ayaa xalay Real ku soo xasuuqday 4 gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 29-aad ee La Ligaha

Saxiixa cuusb Barcelona ee Aubameyanga yaa kulankaas dhaliyay laba gool halka m idna uu caawiye ka noqday , hadaba afar rikoor aayuu sidaas ku sameeyay xiddigaan hore Arsenal .

*Aubameyang waa ciyaaryahankii labaad ee labo gool ka dhaliya sidoo kalena caawiye ka ahaa kulankiisii ​​ugu horeysay ee El Clasico, markii ugu horeysay waxaa sidaas sameeyay xiddigii hore Real Madrid ee   Alfredo Di Stefano bishii October 25, 1953.

Aubameyang waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Barcelon ah oo  labo gool ka dhaliya kulankiisii ​​ugu horeeyay ee El Clasico ee iyadoo la joogo  “Santiago Bernabeu”, 53 sano ka hor ayaa arintaas ugu dambeeysay  Miguel Angel Bustillo.

*Aubameyang ayaa labadiisa gool iyo caawinta ku noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee saddex gool ka qayb qaata kulankiisii ​​ugu horeeyay ee El Clasico tartamada oo dhan qarnigi kow iyo labaatanaad.

*Aubameyang waxa uu noqday ciyaaryahankii 8-aad ee 7-gool ka dhaliya horyaalka Spain todobadiisa kulan ee ugu horeeya ,sidaas waxaa horay u sameeyay Di Stefano, Puskas, Miguel Gonzalez, Ronaldo Nazairo, Vieri, Zlatan Ibrahimovic, Andre Silve.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here