Man United Oo Badalka De Gea Ka Heshay La Liga, Waa Goolhaye Muslim Ah.

0
176

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida laga soo xigtay Mirror, Manchester United ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Sevilla Yassine Bounou iyadoo mustaqbalka David de Gea uu yahay mid aan la hubin.

Xilli uu De Gea muhiim u ahaa xilli ciyaareedka Man United soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah hadana waxa uu ku jiraa wakhtigii da’diisu keenaysay in uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhoco.

Sidoo kale Goolhayaha reer Spain ayaa galaya 18-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Man United ayaana laga yaabaa in ay iska iibiso 31 jirka marka la gaadho suuqa xagaaga.

Goolhaye Bounou ayaa ka mid ah xiddigaha ugu bandhiga fiican kooxda Andalusiya wuxuuna tartan adag kula jiraa goolhayaha xilli ciyaareedkan ee Thibaut Courtois.

Sida ay sheegayaan wararku, Man United ayaa si dhaw u daawatay Goolhayaha Sevilla bilihii ugu dambeeyay waxana ay kooxdiisa wax ka waydiisay helitaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here