QM oo aas-aastay Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaalanka Islaam naceybka

0
103

JOWHAR (Radio isnay)  (Radio Beerlula)-Golaha Guud ee QM ayaa ansixisay qaraar lagu aasaasayo in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka.

Qaraaarkan, oo ay isku raaceen 193-ka xubnood ee QM, islamarkaana ay soo jeediyeen 55 dal oo badankood Muslim ah, ayaa adkeynaya xuquuqda xoriyadda diinta iyo rumeynta.

Qaraarka ayaa weydiisanaya dhammaan dalalka, hay’adaha QM, ururadada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, bulshada rayidka, shirkadaha gaarka loo leeyahya iyo urur diimeedyada “inay abaabulaan munaasabado ujeedkoodu yahay sare u qaadidda wacyiga lagu

xakameynayo Islaam Naceybka” ayna u adeegsadaan Maalinta Caalamiga ah ee cusub inay kula dagaalaan Islaam Naceybka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here