Klopp Oo Si Maldahan Uga Hadlay Mustaqbalka Mohamed Salah Ee Liverpool.

0
194

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in hubaal la’aanta mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah aanu kooxda ka dhex abuuri doonin khilaaf.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xagaaga soo aadan, kooxda iyo wakiilkiisa ayaa haatan ku jira xaalad cakiran, iyadoo la sheegayo in dalabkooda dhaqaale uu khilaafsan yahay qaab dhismeedka mushaharka Anfield.

Inkasta oo uu mugdi ku jiro mustaqbalka Mohamed Salah ee Liverpool wakhtigan, Klopp ayaa aaminsan in ayna wax dhibaato ah ka abuureyn qolka dhar badalashada kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here