Gobol kamid ah Hindiya oo mamnuucay xijaabka

0
197

JOWHAR  (Radio isnaay)-Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa xuxukuntay in haweenka gobolkasi aysan xiran karin xijaabka.

Maxkamaddu waxay sidoo kale xoojisay go’aankii hore ee dawladda ee mamnuucayay xidhashada xijaabka ee fasallada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhowr jeer oo hore uu muran ka dhashay arrinta xijaabka oo socday muddo bilo ah.

Kiiskaan ayaa gaaray maxkamada sare kadib markii koox dumar ah oo muslimiin ah ay gudbiyeen codsi ay ku cadeynayaan in dastuurka Hindiya uu u damaanad qaadayo xaqa ay u leeyihiin inay xirtaan xijaabka.

Maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas, iyadoo sheegtay in maamulka gobolka uu xaq u leeyahay in uu ardayda ku soo rogo dareys isku mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here