Dadaaladda looga Hortayo Cudurka Covid-19 oo wali Dinidda ka Socda.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Labo sano ayaa ka soo wareegtay faafitaankii fayraska Corona ka dib markii hay’adda caafimaadka adduunku ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurkaasi uu yahay mid saf mar ah.

Tan iyo 11-kii Maarso 2020-kii, caalamku wuxuu isu baddalay si xawli ah, laga bilaabo qaabka aan u shaqaynno ilaa daryeelka caafimaadka ee aynnu haysanno.

Isla markii uu cudurku dillaacayba cilmi baarayaashu waxay bilaabeen in ay u kala tartamaan sidii ay u soo saari lahaayeen tallaal dadka ka ilaaliya cudurka Covid-19.

Shirkadaha daawada sameeya ayaa go’aansaday in ay isticmaalaan tiknolojiyadda MRNA ee aan horay loo adeegsan si loo soo saaro tallaal ay dadku isku hallayn karaan.

Waxaana muuqata in khatartaasi ay faa’iido dhashay.

Kaliya maahan in Biontech Pfizer iyo ka dib Moderna ay horumariyeen tallaal ka dhan ah Covid-19 si ka dhakhso badan shirkad kasta, balse waxay albaabada u fureen qaabab cusub oo wax loo daaweeyo iyadoo la adeegsanyo tiknolojiyad casri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here