Bruno Fernandes Oo Uu Shaki Ku Jiro Kulanka Atletico Madrid.

0
304

JOWHAR (Radio isnaay) Bruno Fernandes ayaa shaki uu ku jiraa inuu taam u noqon karo kulanka Manchester United ee Champions League ay la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid kadib markii laga helay xanuunka Korona.

Xiddiga khadka dhexe, ayaa u dhaliyay United sagaal gool, islamarkaana caawiye ka noqday 14 kale xilli ciyaareedkan, waxa uu seegay guushii 3-2 ee ay ka gaareen Tottenham sabtidii.

Ralf Rangnick ayaana qirtay inuu u baahnaan doono inuu go’aan wakhti dambe ah ka gaadho xiddiga wakhti dambe taam ahaanshaha xiddiga ee kulanka.

Waxa haatan soo baxay warar sheegaya in uu xiddigu seegi karo kulanka kadib markii xiddiga laga helay xanuunka Korona kuna seegay kulankii Tottenham ee premier League.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Man United marka loo eego in ay Man United aad ugu baahantahay xiddiga reer Portugal kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here