JOWHAR (Radio isnaay)-Nin xamaali ka ahaa gobolka Orissa ee dalka Hindiya ayaa haatan noqday xiddig caan ka ah barta Youtube-ka kadib markii uu shaqo la’aan noqday xilliggii uu dunida saameeyay safmarka Karoona,
Isaaq Munda wuxuu muuqaalkiisii ugu horreeyay soo dhigay You Tube-ka bishiui March ee sanadkii 2020, xilliggaas uu ku jiray nolol adag maadama uu Covid-19 si ba’an u saameeyay dunida, waxaana guud ahaan Hindiya lagu soo rogay bandow looga hortaggayo fiditaanka Cudurka,
shirkaddii dhismaha uu shaqeyn jiray ayaa howlaheedii joojisay, Isaaq waxaa lasoo deristay shaqo la’aan.
Carruurtiisa waxay barta Youtube-ka ka daawan jireen Kaaruunada maddadaalada ah, Isaaq wuxuu halkaa ka maqlay xayeysiin ah sida dadka ay lacag uga sameyn karaan Youtube-ka marka ay muuqaalladooda dhigaan halkaas.
Wuxuu markii bilaabay sidii uu u sameyn lahaa bar Youtube oo isagu gaar ah si uu u geliyo muuqaallo u gaar ah, wuxuu geliyay kuwa ka hadlayo cuntada waxa uuna mudo yar ku noqday xiddig ay dadka wada jeclaadan.