Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo tababar u soo xirtay dhallinyarada Magaalada dhuusamareeb

0
282

JOWHAR (Radio isnaay) Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta Dowlada Galmudug,oo kaa shanaysa Safarada Uk ayaa maanta Magaalada dhuusmareeb kusoo xirtay tababar socday muddo 5 maalin ah. Oo dhallinyada lagu barayay habka loo xaliyo khilaafaadka bulshada dhaxdeeda ah.

Tababarkaan oo ay bixinayeen khubaro kuxeel dheer xalinta khilaafaadka Bulshada dhaxdeeda ka dhaca, ayaa waxaa ka faa’iideestay in ka badan 40 dhallinyaro ah oo iskugu jira gabdho iyo wiilal.

Ugu dambeeyntii waxaa Tababarka soo xiray xoghayaha joogtada ah, ee Wasaaradda arrimaha Gamudug Mudane Sulamaan Cabdullahi Xasan oo dhallinyarada tababarka qaadatay  kula dardaarmay in ay Bulshada ugu shaqeeyaan xirfadaha labaray iyo Aqoonta ay ka kororsadeen tababarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here