UNHCR oo walaac ka muujisay xaaladda dadkii ku barakacay Abaaraha

0
172

JOWHAR (Radio isnaay) Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa sare u qaadaysa gargaarka ay u fidiso kumanaanka qof ee ka soo barakacay abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya, ka dib saddex xilli oo roobaad oo xiriir ah oo aan di’in, kuwaasoo xaalufiyay dalagyadii iyo xoolihii.

Toddobaadkii ugu horreeyay ee bishaan Maarso oo keliya, in ka badan 17,000 oo qof oo ku nool gobollada koonfurta dalka ayaa ku barakacay abaarta, kuwaas oo ku biiray tobanaan kun oo qof oo sidan oo kale ugu barakacay guud ahaan dalka intii u dhexeysay bilihii January iyo February ee sannadkan.

Haddii sida ay hadda wax u socdaan la sii wado, UNHCR waxay ku qiyaastay sanadka 2022 oo keliya in nus milyan qof oo Soomaali ah ay u badan tahay inay barakacaan ka hor dhammaadka Maarso.

Inta badan waxaa lagu soo waramayaa inay yihiin caruur, dad waaweyn, iyo hooyooyin uur leh.

UNHCR waxay si dhow ula shaqaynaysaa la-hawlgalayaasha bini’aadantinimada si loo gaarsiiyo gargaarka aadka loogu baahan yahay, Ilaa hadda agab hoy, agab nadaafadeed, iyo agab kale ayaa la gaarsiiyey 36,000 oo qof oo ay abaaruhu saameeyeen oo  ku nool dalka, sida lagu sheegayqoraal ka soo baxay UNHCR.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here