Shaxda Ay Man United Kaga Hor Tagi Karaan Tottenham, Ronaldo Wuu Soo Laabtay.

0
168

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Tottenham kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Tottenham Staduim.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Man City todobaadkii hore.

Kooxda Red Devils ayaa dib u heli doonta xiddigooda ugu muhiimsan ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaawac ku seegay kulankii Manchester Derby ee todobaadkii hore.

Tababare Ralf Ragnick ayaa haysta koox taam ah oo uu ka soo xulan karo shaxda uu kaga hor tagi doono Tottenham kulan muhiimad gaar ah u leh kooxda.

Xiddiga Elanga ayaa dhanka kale la filayaa in uu sii haysto booskiisa sidoo kale xiddiga Jadon Sancho kaas oo dhaliyay gool kulankii Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here