Dowladda UK oo xayirtay hantida milkiilaha kooxda Chelsea.

0
365

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Dowladda UK ayaa xayirtay hantida milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, sidoo kalena kusoo rogtay xayiraad socdaal, taasi oo jahwareer gelisay qorshaha uu ku iibinayo kooxda difaacaneysa horyaalka Yurub iyo kan kooxaha dunida.

Milkiilaha kooxdan ka tirsan horyaalka Premier League ayaa ka mid ah toddoaba maal-qabeeno Ruushiyaan ah oo xayiraado lagu soo rogay, kuwaasi oo uu ku jiro saaxiibkiisii hore ee ganacsiga Oleg Deripaska.

Dadka kale ee xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah madaxa shirkadda Rosneft Igor Sechin, oo dowladda Britain ay ku qeexday “gacanta midig” ee Putin, iyo madaxa shirkadda Gazprom Alexei Miller.

Waxaa sidoo kale liiska ku jira guddoomiyaha Bankiga VTB Andrey Kostin, madaxweynaha Transneft Nikolai Tokarev iyo guddoomiyaha Bank Rossiya Dmitri Lebedev.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here