JOWHAR (Radio isnaay) Goolhayaha Kooda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa sheegay in xiddiga y isku kooxda yihiin ee Karim Benzema ka fiicanyahay xiddiga Bayern munich ee Roberto Lewandowski.
Xiddigaha weerarka ka ciyaara ee Karim Benzema & Robert Lewandowski ayaa min saddexley dhaliyay kulamadii champions league ee ay u ciyaareen kooxohooda todobaadkan.
Isagoo hadlayay kadib guushii 3-1 ay ka gaareen PSG ee Champions League Arbacadii, Thibaut Courtois ayaa sharaxay: “Karim Benzema waa lambarka 9-aad ee ugu fiican adduunka”.
Robert Lewandowski wuxuu kaloo shalay dhaliyay saddex gool, laakiin labo [rigoore] ayay ahaayeen”.
“Maanta Benzema waxa uu muujiyay Sababtii ay ahayd in uu boos sareeya ka galo abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkan”.