Ka hortagga Maandooriyaha iyo ka wacyigelinta bulshada oo lagu qabtay Heliwaaa

0
184

JOWHAR (Radio isnaay) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Heliwaa uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortagga isticmaalka Maandooriyaha oo si joogta ah uga socda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha degmooyinka, Agaasimayaal, culima’udiin iyo ururrada bulshada Rayidka ayaa goob joog ka ahaa goobta munaasabadda looga hadlayay ololaha wacyigalinta ka hortagga Maandooriyaha, iyadoo qeybaha kala duwan ee goobta ka hadlay ay si wada jir ah u tilmaameen dhibaatada ay leedahay isticmaalka Maandooriyaha.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka hadlay qatarta balaaran oo uu bulshada iyo xasiloonida Caasimadda ku haayo isticmaalka Maandooriyaha, waxaana uu laamaha amniga faray inay xoojiyaan ka hortagga maandooriyaha, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cidkasta oo isticmaaleysa Maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here