Agabyo farsamada gacanta ah oo loo qeybiyay barakacayaal ku nool Gaalkacyo

0
227

JOWHAR (Radio isnaay) Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi oo ay weheliyaan xubno ka socday  Hay’adda   UN-OCHA  ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah kaamamka barakacyaasha ah ee magaalada Gaalkacyo. Iyagoo gaarsiiyay Agabyo yar oo aan badneyn balse qeyb ka qaadan kara in ay ku soo saartaan waxyar oo ay ku kabtaan nolal maalmeedkooda.

Qaar ka mid ah Qoysaska barakacyaashaa ee ku nool xeryaha ay booqdeen  ayaa xusay inay ka faa’iideystan doonaan, si ay noloshooda ugu maareeyaan.

Agaasimaha arrimaha bulshada Maamulka Dowladda Hoose ayaa sheegay in agabkan  aysan ku filneyn dadka barakacyaasha, wuxuuna hay’adaha samafalka ka dalbaday in loo soo kordhiyo agabka farsamada gacanta ay ku shaqeynsan doonaan dadka dan yarta  ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here