Wiil da’ yar oo si nabad ah ku gaaray dalka Slovakia.

0
155

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Wiilkan ayaa sitay labo boorso oo yaryar, baasaboor iyo taleefan nambarka qaraabadiisa.

Xassan, oo 11 jir ah, ayaa ka soo tagay gurigiisa oo ku yaala Zaporizhzhia sababtoo ah hooyadii way ka soo tagi waysay hooyadeed oo da’ ah.

Waxay soo saartay tareen, markii uu ugu dambayntii soo gaaray xuduudla waxa caawiyay askartii ku suganayd goobtaasi.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in uu ahaa geesi dhab ah oo qof walba kaga guuleystay dhoola cadeyntiisa.

Wiilka ayaa soo gaaray xuduudka isagoo wata bac, boorso yar oo cas iyo baasaboorkiisa.

Waxaa markii dambe masuuliyadiisa la wareegay dad mutadawiciin ah oo siiyay cunto iyo cabitaan iyadoo saraakiisha xuduuduhu ay la xiriireen qaraabadiisa oo ku sugan caasimadda Slovakia ee Bratislava.

Hooyadii oo muuqaal ay soo duubtay ay baahiyeen booliiska Slovakia ayaa waxa ay uga mahadcelisay qof walba sida ay u xanaaneeyeen wiilkeeda, waxa ayna faah faahin ka bixisay in wiilkeeda uu dalka ka soo baxay markii uu duullaanka bilaabmay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here