Tababar loo qabtay Maamulayaasha Dugsiyada Siyaasadda Waxbarashada

0
162

JOWHAR (Radio isnaay) Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta tababar u qabatay tababarayaal loo soo xulay in ay ku tababaraan maamulayaasha dugsiyada siyaasadda Waxbarashada degdegga ah (WAD).

Agaasimaha Waxbarashada dadban iyo farsamada gacanta Mudane Cabdicasiis Nuur Maxamed, oo furay tababarka ayaa-u-mahadceliyay xubnaha loo soo xulay tababarka ee ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federaal, Heer Dawlad Goboleed iyo Gobolka Banadir, isla markaana kula dardaarmay in ay tababarka sidii loo qorsheeyay u gaarsiiyaan maamulayaasha dugsiyada bixiya adeegga Waxbarashada degdegga ah.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa u mahadcelisay mashruuca Bar ama Baro ee Hay’adda USAID Soomaaliya oo ka taageeray qabashada tababarkan iyo guud ahaan hawlgelinta Waxbarashada degdegga ah (WAD).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here