Mohamed Salah: 3 Gool Ayaan Dhalin Doonaa kulanka Xiga.

0
357

JOWHAR (Radio isnaay) Mohamed Salah ayaa ku fashilmay in uu wax gool ah dhaliyo kulankii Inter Milan inkasta oo uu laba jeer birta ku dhuftay kubada intii ay socotay ciyaartu.

Liverpool ayaa dusha loo saaray guuldaradii ugu horaysay ee Tartanka champions League laakiin waxa ay iska xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka tartanka ugu xiisaha badan yurub.

Kadib dhamaadka ciyaarta ayaa wax laga waydiiyay in uuna wax gool ah dhalin kulanka inkasta oo uu laba jer birta ku dhuftay intii ay socotay ciyaartu.

Laakiin Mohamed Salah ayaa kalsooni muujiyay waliba sheegay in uu 3 gool dhalin doono kulanka xiga ee ay Liverpool ciyaari doonto.

“Laba jeer ayaa birta ku dhuftay kubada laakiin waxa laga yaabaa marka xiga in aan dhalin doono 3 gool”

“Si kasta ha ahaatee waxa ugu muhiimsan ayaa ah in ay Liverpool u gudubtay wareega xiga”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here