Liverpool Vs Inter Milan: Reds Oo Isha Ku Haysa Taariikh Ay Ka Dhigayso UCL.

0
197

JOWHAR (Radio isnaay)n Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Inter Milan kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions league kulan ka dhici doona Anfield.

Liverpool ayaa kulanka ayaa soo galaysa iyaga oo haysta faa’iido guushii 2/0 ahayd ee ay ka soo gaadheen kooxda Inter Milan kulankii lugta hore.

Dhanka kale Inter Milan ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guul ku so celisa ciyaarta waliba u dagaalamaan rajadooda wareega xiga ee tartanka.

Liverpool ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ay la ciyaareen Inter Milan champions League iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin iyada oo dhamaan kulamadu yimaadeen wareega 16-ka.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee ay Inter booqatay Liverpool tartamada yurub iyada oo laga badiyay dhamaan kulamadii hore iyada oo dhamaan kulamadu ahaayeen kulamada wareega Bug baxa.

Inter Milan ayaa laga badiyay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ay booqdeen Kooxaha England tartanka champions Leageu iyaga oo kaliya guul ka gaadhay chelsea sANADKII 2009/2010.

Liverpool ayaa badisay dhamaan kulamadii champions League ay ciyaareen xilli ciyaareedkan waxana ay noqon karaan kooxdii ugu horaysay ee England ah ee badisa dhamaan 7-da kulan ee ay ciyaartay tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here