Dhismaha Daladda Midowga Diyaaradaha oo laga shiray

0
367

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la shiray masuuliyiin ka socday Diyaaradaha ka hawlgala dalka, iyadoo mudooyinkii dambe dadaal xoogan Wasaaraddu ku bixinaysay dhismaha Midowga diyaardaha.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Cali Gacal, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah SCAA Axmed Macalin iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dawladda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay dhismaha daladda ay ku midaysan yihiin diyaardaha dalka ka hawlgala, waxaana si wada jira loo qiray in xiligaan baahi wayn loo qabo.

Masuuliyiin ka socday Diyaardaha ka hawlgala dalka ayaa si wada jira u sheegay in dhankooda ay baahi wayn u qabaan dhismaha maamulka sare ee daladda, waxaana ay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda uga mahad celiyeen dadaalka uu galiyay in la helo Daladda Miwdoga Diyaardaha.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Masuuliyiinta ka socday Diyaardaha ka hawlgala dalka inay si deg deg ah u doortaan hogaankooda, waxaana uu intaas raaciyay in helista daladda Midowga Diyaardaha ay sahlayso isla xisaabtan iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee duulimaadyada ka shaqeeya.

Khamiista Todobaadkaan ayaa la filayaa in la doorto Hogaanka daladda Midowga Diyaardaha ka hawlgala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here