Mikel Arteta Oo Kashifay Halka Arin Ee Ay U Baahantahay Si Ay Ula Tartanto Man City & Liverpool.

0
222

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa qiray in maskaxiyan ciyaartoydiisa ay wali qaldan tahay marka ay timaado guuleysiga kulamada waa weyn.

Xilli ciyaareedkan Arsenal ayaa ku kooban in ay ka badiso kooxaha yar-yar ee horyaalka premier League iyaga oo ku dhibaatooda kooxaha waaweyn ee horyaalka.

“Kooxaha Ugu waaweyn waxa ay dilaan ciyaaraha waxana ay leeyihiin awood maskaxeed, kaliya waxa ay ku xisaabtamaan guul”ayuu Mikel Arteta yidhi.

“Maanta badi, bari badi kadib tababar u qaado kulanka xiga”ayuu sii raaciyay.

Arsenal ayaa Axada la ciyaari doonta kooxda Watford iyaga oo gali doona kaalinta 4-aad isla markaas rajaynaya in ay Man United guuldaro kala kulanto Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here