Maal-qabaan Turkey Ah Oo Xaqiijiyay In Uu Dalab Ka Gudbiyay Chelsea.

0
144

JOWHAR (Radio isnaay) Maal-qabeenka Turkey-ga ah ee Muhsin Bayrak ayaa sheegay inuu dalab Rasmi ah ka gudbiyay chelsea si uu ula wareego Lahaanshaha kooxda chelsea.

Roman Abramovich ayaa Arbacadii xaqiijiyay in uu iibinayo kooxda chelsea sabab la xidhiidha dagaalka uu dalka Russia ku qaaday dalka Ukraine.

Milkiilaha Ruushka ah ayaa xaqiijiyay in uu diyaar u yahay in uu iibiyo kooxda chelsea waliba aqbali doono lacag dhan 3 bilyan euro.

“Haa, waxa aan xaqiijin karaa in aan dalabkeena miiska saarnay”ayuu Maal-qabeenka Turkey-ga ah yidhi.

“Waxa aan haatan ku jirnaa wadahadalada saxiixa wakhti dhaw waxa aan calanka Turkey-ga ka taagi doonaa London”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here