Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiriirka caalamiga ah ee bisadaha ayaa dhammaan tartamada bandhigga bisadaha caalamka ka mamnuucay bisadaha dalka Ruushka sababo la xiriira duulaanka uu ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine.
Warbixin la soo dhigay barta intarneedka ee xiriirka Fédération Internationale Féline (FIFe) ayaa lagu sheegay in xiriirkani uu aad uga naxay duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, sidaa awgeedna uu go’aansaday in bisadaha Ruushka laga mamnuuco in ay ka qaybgalaan tartamada uu qabanqaabiyo xiriirkani, kuwaa oo ka dhaca adduunka oo dhan.
Warbixintaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in bisadaha laga keenay dhanka Ruushka aan loo ogolaan doonin in laga diiwaan geliyo ururrada hoos yimaada xiriirkan ee ka jira meelaha ka baxsan gudaha dalka Ruushka