Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo xariga ka jaray mashruuc koronto looga dhalinayo webiga Nile.

0
328

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa xariga ka jaray mashruuc koronto looga dhalinayo biyaha webiga Nile.
Biyo-xireenku ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee laga hirgaliyo qaaradda Afrika marka la dhammeystiro.

“Waxaan hadda bilownay in aan koronto dhalinno, laakiin taas macnaheedu maaha in mashruucu dhammaaday,” ayuu yiri Kifle Horo, oo ah maamulaha mashruuca biyo-xireenka, isaga oo intaas raaciyay in dhameystirkiisa ay qaadan doonto laba sano iyo bar ilaa saddex sano.
Biyo-xireenkan ayaa leh awood uu ku dhalin karo koronto dhan 6,500 oo megawatts ah.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka oo uu ku kacayo $4.2 bilyan uu muhiim u yahay horumarkeeda, kaas oo awood u siin doona inay koronto u qaybiso dadkeeda oo ka badan 110 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here