Koox Ingiriiska Ah Oo Ku Xooggan Baacsiga Harry Kane Ka Dib Markii Man City U Weecdeen Haaland.

0
328

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kabtanka England ayaa xagaagii hore loo diiday inuu lacag badan ugu dhaqaaqo Manchester City, iyadoo Citizens ay diiday inay bixiso lacagta Tottenham ay dalbaneysay , taasoo la rumeysan yahay inay ku kacaysay 160 milyan ginni.

Kooxda Pep Guardiola ayaa haatan la sheegay inay dareenkooda u weecdeen weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Norway lagu heli karo 63 milyan ginni xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here