Klopp oo Ka Warbixiyay Xaalada Firmino & Jota.

0
209

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa rajaynaya in ay xiddigaha Roberto Firmino & Diogo Jota taam u noqon doonaan kulanka Final-ka ee ay Liverpool la ciyaari doonto chelsea Carabao cup-ka.

Labada xiddig ayaa seegay kulankii 3/1 uga badisay Liverpool kooxda Norwich City sabab la xidhiidha Dhaawac waxana uu shaki ku jiraa final-ka ay Liverpool la ciyaari doonto Chelsea.

Klopp ayaa sheegay in ay labada xiddig u muuqdaan kuwo fiican hadana wali wakhti hore in la ogaado in ay ka qayb gali karaan kulanka Axada.

“Haa, waa wakhti hore”ayuu Klopp yidhi markii wax laga waydiiyay in ay labada xiddig ciyaari karaan kulanka chelsea.

“Ma ogi xitaa in aanu u baahnaan doono go’aan wakhti dambe ah, wali waa wakhti hore”.

“Waxa aan arkay labadoodba maanta way fiicanyihiin laakiin waa in aan eegno xaaladooda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here