9 jir noqday qofkii ugu da’da yaraa Caalamka ee Jaamacad ka qalinjabiya.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laurent marka uu dugsiga hoose galayey wuxuu ahaa afar jir. Hase yeeshee carruurta ay isku da’da yihiin iyaga oo aan dugsi sare dhammeynin ayuu Laurent jaamacad ka qalin jabiyay.

Lix sano markuu jiray ayuu dugsi sare ku biiray, waxbarashada dugsiga sare ee ku qaadan lahayd lix sano wuxuu ku dhammeeyey 18 bilood.

Wiilkan yar marka uu muddo 6 bilood ah nastay wuxuu ku biiray jaamacad.

Wuxuuna ku qalinjabiyay shahaadada koobaad ee cilmiga Injinineeriyadda Korontada (Electrical Engineer).

Wiilkan yar isaga laftiisa ma garanayo sababta keentay inuu sagaal bilood waxbarashada Injineerka Korontada uu kaga qalin jabiyo.

Laurent isaga oo adeegsanaya teknooloojiyadaha casriga ah wuxuu jecel yahay inta badan inuu baaritaan ku sameeyo sida uu dadka u caawin karo.

Qalinjabintiisana wuxuu u allifay qalab sahlaya in la cabbiro dhaqdhaqaaqa maskaxda carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here