Boqoradda Uk oo laga helay Cudurka Covid1-9.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Boqorada Ingiriiska Elizabeth, ayaa laga baarey cudurka Covid19, sida qasriga Buckingham laga soo wariyey.
Boqoradda ayaa waxaa soo wajahay calaamado qabow oo fudud. Laakiin waxey rajeyneysaa iney sii wadato “waajibaadka fudud” ee qasrigeeda toddobaadka soo socda.

“Waxaa loo fidin doonnaa daryeel caafimaad boqoradda, waxayna raaci doontaa dhammaan tilmaamaha ku habboon,” ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxey qasriga.

Boqorrada oo 95 sano jir ah, waxey la xiriirtey wiilkeeda curadka ah oo ah dhaxal sugaha boqortooyada, ee Amiirka Wales, kaasoo laga helay isla cudurkani Covid19 toddobaadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here