Nin sabool ah oo celiyay malaayiin lacag ah oo uu dhulka ka heley.

0
307

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Nin beeralay ah oo u dhashay dalka Benin ayaa qofkii lahaa oo dalxiise ahaa u celiyay lacag 14 milyan oo lacagta Faranka ee dalka Benin oo uu dhulka ka heley iyada oo ku jirta boorsada safarka.

Baraka Amido woo 37 jir , waa aabbe 5 carruur ah leh, wuxuuna sheegay in iimaankiisa uu u saamixi waayay in uu lacagta qaato, maadaamaa uusan isaga shaqaysanin, lahayna.

Waxaa la guddoonsiiyay shahaado Sharaf iyo xoogaa lacag ah oo baqshad ku jirtay, isaga oo lagu maamuusay dhaqan wanaagiisa.

Barasaabka gobolka Borgu ee dalka Benin Mudane Jibriil Ciise ayaa sheegay in arrinta uu ninkani sameeyay ay tahay mid ku dayasho mudan, iyada oo uu sheegay in dadkii inta badan ay aqlaaqdii iyo dhaqankii wanaagsanaa ka tageen dhowaanahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here