Dowladda Uk oo Walaac ka Muujisay Cudur Cusub oo laga helay Dalkaasi.

0
190

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Todobaadkiii la soo dhaafay Hay’adda badbaadada Caafimaadka ee UK ayaa ka warbixisay saddex xaaladood oo qandhada Lassa ah wuuxuuna fayraskan ilaa hadda galaaftay cunug yar oo markaas dhashay.

Cudurku wax uu ilaa hadda galaaftay hal qof, taas oo ah ilmo yar oo markaasi ku dhashay dalka Britian.

Waa kuwan waxa aad u baahan tahay inaad ka ogaato cudurkan laga baqayyo in uu badelo caabuqa Corona

Sida laga soo xigtay bogga Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka xumadda Lesser waa cudur ka yimid dhanka xoolaha oo kuna dhaca xoolaha kunool dalalka Galbeedka Afrika sida Sierra Leone, Liberia, Guinea, iyo Nigeria.

Cudurkan waxaa sababa fayraska Lassar oo loogu magac daray magaalada Nigeria ku taala, halkaasoo markii ugu horreysay laga soo sheegay 1969-kii.

Fayrasku waxa uu gaar ahaan ka yimid dooli Afrika ku nool oo dadka qaar ay cunaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here