Dowladda Itoobiya oo Bilaabeysa in ay Koronto ka Dhaliso Biyo-xireenka.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Ethiopia ayaa bilaabeysa in ay koronto ka dhaliso biyo-xireenkeeda muranka badan dhaliyay ee wabiga Nile-ka Buluuga, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Biyo xidheenkan oo lagu magacaabo Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ayaa noqonaya mashruucii ugu waynaa ee koronto laga dhaliyo ee ku yaalla Africa.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay AFP in maanta oo axad ah la bilaabi doono in tamar laga dhaliyo biya-xireenka.

Mashruucan oo ku kacaya $4.2-Bilyan ayaa marka uu idlaado la filayaa in uu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatt oo koronto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here